Garaad
    Mentorshipbilaash
    Webinars
    Bulshada
    Blog
    Soo gal
    ๐Ÿ’ฌWhatsAppTwitter / X
    Dhammaan Qoraalada
    Garaad

    Shaqo Adag Micnaheedu Maaha Inaad Horumar Samaynayso

    ๐Ÿ’ฌWhatsAppTwitter / X
    A
    abdishakuur ali mohamed
    ยท
    Maarso 16, 2026
    ยท
    3 daqiiqo
    Shaqo Adag Micnaheedu Maaha Inaad Horumar Samaynayso

    Shaqo Adag Micnaheedu Maaha Inaad Horumar Samaynayso

    Qofna kuuma sheegayo arrintan ilaa ay waqti dambe noqoto.

    Waxey maalmo badan dhamaan jireen anigoo gabi ahaanba daallan โ€” inbox-ka nadiifiyay, calls-ka sameeyay, notes-ka qoray, tabs-ka xiray, dareemayana inaan wax weyn qabtay.

    Kadib waxaan eegi jiray waxa dhab ahaan isbedelay.

    Waxba.

    Product-gii wuxuu joogaa halkiisii. Ma jiraan users cusub. Go'aan dhab ah lama gaarin. Keliya waxan arka liis dheer oo waxyaabo ah oo aan farta ku fiiqi karo oo dhihi karo "anigaa sameeyay."

    Taasi waa dabin. Waana mid khatar ah maxaa yeelay waxay u egtahay shaqo.

    Dhibaatada "Mashquulka"

    Waa kan sida productivity been ah uu u eg yahay nolosha dhabta ah:

    • Dib unashqadeynta page uusan wali qofna booqan

    • Samaynta Research 3 saacadood halkii aad 1 saac wax dhisi lahayd

    • Optimise garaynta system aan xitaa xallineyn caqabad dhab ah

    • Ka qayb galka calls anan waxba natiijo ah laheyn

    • Qorista 5 posts markii 1 qoraal oo fiican uu ka waxtar badnaan lahaa

    Midkoodna caajisnimo maaha. Waa dadaal dhab ah โ€” laakiin bartilmaameed qaldan lagu aadiyay.

    Qaybta murugada leh? Bulshadu way abaalmarisaa arrintan. Waxaad u muuqataa qof shaqadisa ku dadaalaya.

    Laakiin dadaal aan jiho lahayn maaha discipline. Waa distraction qaali ah.

    Xaqiiqada 80/20

    Xeerka Pareto wuxuu leeyahay 80% natiijooyinkaaga waxay ka yimaadaan 20% shaqadaada.

    Dadka intiisa badan arinkan wey iska indho tiraan

    Maxaa yeelay waxay ka dhigan tahay in waqtigaga, inta badan waxa aad samaynaysaa aysan macno weyn samaynayn.

    20% macnaha samaynaya? Caadiyan waa wax dhib badan. Waa waxa aad mar walba berrito u dib dhigayso. Wada hadalka aad ka fogaanayso. Feature-ka dhab ahaan u baahan in la ship-gareeyo. Hal su'aal oo daacad ah oo aadan wali weydiin users-kaaga.

    80% kale? Si fudud ayay u socotaa. Waa secondary task. Qofna kuguma dhaliilayo.

    Waa Taas sababta dhabta ah ee ay waqtigaaga u xado.

    Horumarku Wuxuu Leeyahay Imtixaan Fudud

    Is weydii su'aashan dhamaadka maalin kasta:

    Ma jirtaa wax gaaray qof dhab ah maanta?

    Maaha "miyaan wax ka shaqeeyay." Maaha "miyaan horumar ka sameeyay doc-ga." Ma jirtaa wax โ€” message, product update, content aad abuurtay, ama wada hadal โ€” oo dhab ahaan gacmahaaga ka baxay oo meel dhab ah gaaray?

    Haddii jawaabtu tahay maya , waxba ma sameyn.

    Xalka Dhabta ah

    Uma baahnid system adag. Waxaad u baahan tahay 1 su'aal oo daacad ah subax kasta:

    "Waa maxay hal shay oo, haddii aanan wax kale qaban maanta, wali ka dhigaya usbuucan mid macno leh?"

    Taas horta samee. U ilaali sidii wax weyn. Kadib samee wax kasta oo kale.

    Inta badan, inta ka dhiman liiskaaga waxay hoos u dhici doontaa in ka badan kala bar marka aad ship-garayso waxa dhab ahaan muhiimka ahaa.

    Shaqo adag wali waa muhiim โ€” laakiin kaliya sidii multiplier ahaan. Ku dabaq 20% saxda ah si dhaqso ah ayayna isugu dardarmaysaa. Ku dabaq 80% qaldan waxaad kaliya urursanaysaa daal adigoo niyadaadu dagan tahay.

    Hadafku maaha inaad si adag u shaqeyso. Waa inaad noqoto mid daacad ah si aad uga shaqeyso waxa saxda ah.

    GaraadDeveloperProductivityTech Career80/20 RuleCareer GrowthFocus

    La wadaag

    ๐Ÿ’ฌWhatsAppTwitter / X
    Lagu soo gaaray 20 April

    Shaqo tech ah raadsanaysaa?

    Challenge-ka Garaad wuxuu kugu siinayaa xirfad, mashruuc dhab ah, iyo taageero mentor 3 bilood gudahood.

    Gal Challenge-ka โ†’View Pricing

    Ka hel qoraalada cusub

    Isdiiwaangeli bilaash โ€” waxaan kuugu soo diri karnaa ogeysiisyada muhiimka ah (email).

    Isdiiwaangeli bilaash โ†’
    A

    abdishakuur ali mohamed

    Abdishakuur wuxuu baraa Full-Stack development oo Soomaali ah โ€” haddii aad rabto inaad hesho wadada buuxda, eeg Challenge-ka.

    Bilow Challenge โ†’

    Qoraalada La Xiriira

    Akhri: Sidee loo ku daraa Authentication (JWT) API-gaaga Node.js ah
    4 daqiiqo
    Garaad
    Sidee loo ku daraa Authentication (JWT) API-gaaga Node.js ah

    Sidee loo ku daraa Authentication (JWT) API-gaaga Node.js ah

    A
    abdishakuur ali mohamed
    Akhri: Sidee loo Baahshaa API-gaaga Node.js Bilaash ah โ€” Render, Railway & Waxa Dhab ahaan u Shaqeeya
    3 daqiiqo
    Garaad
    Sidee loo Baahshaa API-gaaga Node.js Bilaash ah โ€” Render, Railway & Waxa Dhab ahaan u Shaqeeya

    Sidee loo Baahshaa API-gaaga Node.js Bilaash ah โ€” Render, Railway & Waxa Dhab ahaan u Shaqeeya

    A
    abdishakuur ali mohamed

    Challenge-ka โ€” boosyo xaddidan

    Ku biir โ†’

    Related Resources

    Continue learning with these resources related to this post.

    Free Programming CoursesStart Learning JourneyAll Blog PostsAbout GaraadGaraad ArticlesDeveloper ArticlesProductivity Articles

    Garaad

    STEM iyo Full-Stack โ€” ku baro af Somali.

    KoorsooyinkaBlogCareersAragtida ardaydaKu saabsanArrimaha Khaaska ahShuruudaha

    ยฉ 2026 Garaad. Xuquuqda oo dhan waa dhowran tahay.