Marka aad dhammayso — waxaad yeelan doontaa
Shan mashruuc oo dhab ah oo ku jira GitHub-kaaga — mid kasta adigaa dhisay, interview-kana si kalsooni leh ugu sharrixi kara.
App Full-stack ah oo deployed ah — frontend, backend, database, iyo login system — leh URL dhab ah oo aad cid kasta tusi kartid.
SaaS product aad macaamiisha ama isticmaalayaasha u geyn kartid — oo leh AI integration iyo Stripe payments.
CV, LinkedIn, iyo Portfolio u diyaarsan codsiga shaqada — oo leh xirfadaha dhabta ah ee suuqa shaqadu u baahan yahay.
Maxaad baranaysaa — toddobaad kasta?
Waxaad ku dhammaystiri doontaa mashruuc Frontend ah oo aad adigu dhistay.
Waxaad ku dhammaystiri doontaa App dhab ah oo aad deployed garaysay.
Waxaad ku dhammaystiri doontaa wax-soo-saar dhab ah oo leh isticmaalayaal (users).
Jadwalka Maalinlaha — 60 Maalin · 12 Toddobaad
Jadwalka maalinlaha — fdho month kasta, fdho week kasta si aad u aragto dhammaan casharada
Run ahaan — shaqadani waa mid adag
Ma aha koorso aad iska daawanayso. Maalin kasta waxaad dhisaysaa wax dhab ah. Toddobaad kasta waxaad code-ka push u garaysaa GitHub.
3-da bilood waxay u baahan tahay 2–3 saacadood maalin kasta. Haddaad dadaalkaas geliso — dhamaadka waxaad haysataa xirfado, portfolio, iyo khibrad aadan meel kale ka helayn.
Bilow Hadda
Kaliya 10 arday cohort kasta — boosasku waa xaddidan yihiin.
Ku biir Challenge-kaSheekooyinka Guusha
Sheekooyinka isbeddelka — laga soo bilaabo eber ilaa xirfad dhab ah ama ganacsi.

Ilyas Omar
3 bilood ka hor waxba ma aqoon — hadda waxaan ahay khabiir Tailwind CSS ah.
Hadda Khabiir Tailwind CSS ah
Isbeddel dhab ah
Laga soo bilaabo eber ilaa khabiir layout-ka & Tailwind CSS: hadda wuxuu ku dhow yahay inuu helo shaqooyin dhab ah.
Adiguna kan xiga ayaad noqon kartaa.

Abdiladif Salah
Laga soo bilaabo barasho ilaa dhisidda wax faa'iido leh
Hadda Front-End Developer
Noqday Front Developer
Natiijada: barashadu waxay noqotay shaqo dhab ah oo la isku xiray — ma ahan kaliya aragti (theory).
Adiguna kan xiga ayaad noqon kartaa.

Abdiaziz
Garaad wuxuu i baray sida fikrad loogu beddelo shirkad (Sofaritech).
🏢 Shirkad DhisayHadda Aasaasaha Sofaritech
Fikrad → shirkad dhab ah
3 bilood ka dib: shirkad IT ah oo leh macaamiil, website shaqaynaya, iyo mustaqbal muuqda.
Adiguna kan xiga ayaad noqon kartaa.
sofaritech-global-it-solutions.vercel.app →Muuqaallada Dhiirigelinta

Dhisidda SaaS
Daawo sida ardaydayadu u dhisaan mashaariicda SaaS.
Dhisidda SaaS

Sheekada Guusha
Sida Garaad uu noloshayda u beddelay — Sheekada arday.
Sheekada Guusha
Sheekada Aasaasaha
Laga soo bilaabo Eber ilaa SaaS Builder

Mucjisada Is-barashada
Markii aan ahaa 16 sano jir, anigoo dareemaya in waxbarashada rasmiga ahi ay i xaddidayso, waxaan bilaabay inaan naftayda baro koodhka (coding) casriga ah anigoo isticmaalaya agabka bilaashka ah ee internet-ka laga helo.
"Barashada dhabta ahi waxay ka bilaabataa halka uu hamigu jiro. Waxaan mustaqbalkayga ku dhisay wax kasta oo gacantayda soo gala."

Shaqada Freelance
Waxaan u gudbay freelancing, anigoo software u dhisaya macaamiil caalami ah oo ku kala baahsan qaaradaha aduunka. Halkaas waxaan ku bartay maaraynta mashruuca iyo tayada adeegga.
"Khibrada dhabta ahi waxay ka timaadaa shaqada. Mashruuc kasta oo aan qabtay wuxuu ii furay albaab cusub."

Dhisaha Caalamiga ah
Waxaan helay fursad aan meel fog (remotely) ugala shaqeeyo shirkadaha tignoolajiyada ee fadhigoodu yahay Europe, anigoo qayb ka ahaa dhisidda mashaariic SaaS ah oo ay isticmaalaan kumanaan qof.
"Internet-ku xudduud ma leh. Waxaan ogaaday in aqoontu tahay baasaboorka kaliya ee aad ugu baahan tahay suuqa caalamiga ah."

Aragti-dheeraha
Maanta, anigoo maamula dhowr shirkadood oo SaaS ah, hadafkaygu waa inaan albaabbada tignoolajiyada u furo dhalinyarada Somaliyeed. Garaad waa halka aan ku wadaago khibradayda si aan u abuuro saameyn dhab ah.
"Guusha dhabta ahi waa markaad kor u qaaddo dadka kugu xeeran oo aad ka tagto dhaxal."
