Manhajka Garaad:
Maxaad Baran Doontaa Dhab Ahaan?
Sharraxaad cad oo step by step ah oo ku saabsan wax kasta oo ku jira Full-Stack Development track — si aad u ogaato dhab ahaan waxa aad iska diiwaangelineyso.
Maqaalkan waxaa loogu talagalay qof kasta oo ka fikiraya Garaad’s Full-Stack Development track. Ma jiraan buun-buunin (hype). Kaliya waa sharraxaad daacad ah oo weji kasta ah: waxa uu daboolayo, inta uu qaadanayo, iyo waxa aad gacanta ku dhigi doonto dhamaadka.
"Hadafku maaha inaad xafiddo syntax-ka. Waa inaad u fekerto sidii qof dhisi kara waxyaabo aan hore u jirin."
Garaad waxaa si gaar ah loogu dhisay ardayda Soomaaliyeed — iyadoo la adeegsanayo luqad iyo xawaare loogu talagalay sida aan dhab ahaan wax u baranno. Full-Stack track-gu waa waddo dhammaystiran: wuxuu kaa soo bilaabayaa eber (zero experience) ilaa aad si kalsooni leh u dhisatid una deploy-garaysid real web applications.
6-da Weji (Phases)
1. Web-ka iyo Sida uu u Shaqeeyo
TODDOBAADYADA 1–2
Intaanad hal xariiq oo code ah qorin, waxaad fahmi doontaa waxa dhab ahaan dhaca markaad website furto. Sida browsers-ku u codsadaan pages-ka. Maxay servers-ku qabtaan. Maxay HTML, CSS, iyo JavaScript u yihiin saddex shay oo kala duwan.
HTML & CSS
Browser basics
HTTP
2. JavaScript — Ka dhigista waxyaabaha kuwo is-bedbeddela (Interactive)
TODDOBAADYADA 3–6
JavaScript waa luqadda web-ka. Waxaad ka bilaabi doontaa aasaaska — variables, functions, loops — ilaa aad ka gaarto inaad page-ka wax ka beddesho real time. Dhamaadka wejigan, waxaad dhiseysa dhawr interactive projects.
JS Fundamentals
DOM & Events
Fetch API
3. React — Dhisidda Interfaces dhab ah
TODDOBAADYADA 7–10
React waa sida loo dhiso web apps-ka casriga ah — waxaana isticmaala Meta, Airbnb, iyo inta badan startups-ka aad maqashay. Waxaad baran doontaa components, state, iyo sida loo qaabeeyo frontend application dareen ahaan degdeg u shaqaynaya.
React Components
State & Props
Next.js intro
4. Node.js & Express — Backend-ka
TODDOBAADYADA 11–15
App kasta wuxuu u baahan yahay server. Hadda madama aad taqaanay JavaScript — waxaad u isticmaali doontaa dhinaca server-ka adoo adeegsanaya Node.js iyo Express. Waxaad maamuli doontaa routes-ka, waxaad ku xiri doontaa database, waxaadna dhismi doontaa logic-ga ka dambeeya app-kaaga.
Node.js & Express
PostgreSQL (Databases)
Authentication (User login)
5. APIs & Isku-xirka Wax kasta
TODDOBAADYADA 16–18
Apps-ka casriga ah waxaa lagu dhisaa iyadoo la isku xirayo adeegyo kala duwan via APIs. Waxaad dhismi doontaa REST API kuu gaar ah, waxaad isticmaali doontaa third-party services, waxaadna isku xiri doontaa React frontend-kaaga iyo Express backend-kaaga si ay u noqdaan hal full-stack application oo shaqaynaya.
REST APIs & JSON
Middleware
Full-stack integration
6. Deployment — Inaad Live ka dhigto
TODDOBAADYADA 19–20
Inaad ogaato sida wax loo dhiso waxay waxtar leedahay kaliya haddii aad ship-garayn karto (dadka u soo bandhigi karto). Waxaad backend-kaaga saari doontaa Linux server, frontend-kaagana Vercel, waxaadna launch-garayn doontaa project dhab ah oo leh URL qof kasta booqan karo.
Linux / Nginx
Vercel & GitHub Actions
Domain & DNS
Hal luqad, labo environments. JavaScript oo aad u isticmaasho frontend-ka iyo backend-kaba waxay la macno tahay context-switching yar iyo horumar degdeg ah — hal mar ayaad fahmaysaa siday u shaqayso, ka dibna meel kasta ayaad ku dabbaqaysaa.
Maxaad awoodi doontaa inaad dhisato?
NATIIJOOYINKA ARDAYGA (GRADUATE OUTCOMES)
Full-stack web application aad adigu nashqadaysay, dhistay, oo aad live ka dhigtay.
Faham dhab ah oo ku saabsan sida internet-ka, databases-ka, iyo servers-ku dhab ahaan u shaqeeyaan.
Awoodda aad u leedahay inaad akhrido documentation-ka, debug-garayso dhibaatooyinka, iyo inaad si madax-bannaan wax u barato.
GitHub portfolio leh taariikh projects dhab ah — wax aad tusi karto shirkadaha ama macaamiisha.
Kalsooni aad ku dhisato fikradahaaga gaarka ah — adigoon raacaynin uun tutorials.
Labaatan toddobaad maaha "shortcut" (jid gaab). Laakiin waa dariiq dhab ah oo habaysan — mid aan ka tegaynin meelaha banaan ama aan ka boodaynin qaybaha adag. Mawduuc kasta waxaa la dhigaa ka hor intaan loo baahnaan. Project kastaana waa wax aad dhab ahaan u rabi doonto inaad qof tusto.
Haddi aad ka fikiraysay inaad barato coding-ka oo aad is-waydiinaysay inay dhab ahaan suurtogal tahay — iyadoo lagu barayo Af-Soomaali, jadwalkaaga ku habboon, adigoon jaamacad aadin — track-gan adigaa loo dhisay.
U BILAW SI BILAASH AH
Ma diyaar u tahay inaad indhahaaga ku aragto?
Bilaw wejiga koowaad maanta — ma jiro lacag lagaa rabo. Fiiri sida aan wax u dhigno ka hor intaanad wax kale go'aansan.
garaad.org
Bilaash ku bilaw · Lacag bixin looma baahna · Af-Soomaali baa lagu dhigaa
abdishakuuralimohamed
Waa maamulaha iyo qoraaga ka tirsan kooxda Garaad STEM. Waxa uu halkan kula wadaagaa aqoontiisa iyo khibradiisa ku aaddan technology-da.

