Garaad
    Mentorshipbilaash
    Webinars
    Bulshada
    Blog
    Soo gal
    ๐Ÿ’ฌWhatsAppTwitter / X
    Dhammaan Qoraalada

    Client-Side vs. Server-Side

    ๐Ÿ’ฌWhatsAppTwitter / X
    A
    abdishakuur ali mohamed
    ยท
    Maarso 1, 2026
    ยท
    2 daqiiqo
    Client-Side vs. Server-Side

    Client-Side vs. Server-Side: Meesha uu Code-kaagu ku Shaqeeyo.

    Marki la joogo Dhismaha barnaamijyada (Web architecture), goobta uu code-ku ku fulayo ayaa go'aamisa Security-ga, Xawaaraha, iyo Muuqaalka nidaamkaaga(UI). Inaad kala garato labadan waa waxa kala saara qofka barbaarta ah iyo midka xirfadlaha ah.

    1. Client-Side: Khibradda Adeegsadaha

    Goobta: Waa Browser-ka qofka isticmaalaya (Laptop ama Mobile).

    Tech: HTML, CSS, JavaScript.

    * Shaqada: Waa is-dhexgalka iyo UI (User Interface).

    * Faa'iidada: Waa degdeg; wax kasta oo ka dhaca UI-ga si dhakhso ah ayay u muuqdaan.

    * Khatarta: Code-ka dhankan yaala qof kasta waa arki karaa, waana beddeli karaa. Weligaa halkan ha dhigin sir (Secrets) ama xaqiijinta muhiimka ah ee xogta.

    2. Server-Side: Isha Runta ah

    Goobta: Waa Computer fog (Server) oo meel kale yaala.

    Tech: Node.js, Python, SQL.

    * Shaqada: Waa amniga (Security), kaydinta xogta, iyo caqliga barnaamijka (Business Logic).

    * Faa'iidada: Xakameyn buuxda. Adeegsaduhu ma arki karo, mana beddeli karo code-ka dhankan yaala.

    * Khatarta: Daahitaan(slow). Shaqo kasta waxay u baahan tahay in internet-ka laso dhex marsiiyo, taas oo qaadata waqti yar (milliseconds).

    Tusaale: Marka qof cusub la diiwaangelinayo

    * Client-Side: Waxay hubisaa in email-ku sax yahay inta uu qofku wax qorayo si uusan u sugin xogta. (Speed)

    * Internet: Xogta waxaa loo diraa Server-ka si loo kaydiyo.

    * Server-Side: Waxay dib u hubisaa xogta si loo hubiyo inaan la soo khiyaamin UI-ga. (Security)

    * Server-Side: Password-ka ayay qarisaa (Hashing), ka dibna waxay ku kaydisaa Database-ka.

    * Client-Side: Waxay heshaa farriin odhanaysa "Waa lagu guulaystay," ka dibna waxay qofka u gudbisaa bogga kale.

    Client-ga u isticmaal quruxda iyo fudaydka, Server-kana u isticmaal Amniga.

    La wadaag

    ๐Ÿ’ฌWhatsAppTwitter / X
    Lagu soo gaaray 20 April

    Waxaad baratay maqaalkan โ€” hadda waxaa xiga shaqada dhabta ah.

    Challenge-ka Garaad waxaad ku dhisaysaa mashruuc dhab ah 3 bilood gudahood โ€” mentor xirfadle ah iyo koox ayaa kuu haysta gacanta.

    Gal Challenge-ka โ†’View Pricing

    Ka hel qoraalada cusub

    Isdiiwaangeli bilaash โ€” waxaan kuugu soo diri karnaa ogeysiisyada muhiimka ah (email).

    Isdiiwaangeli bilaash โ†’
    A

    abdishakuur ali mohamed

    Abdishakuur wuxuu baraa Full-Stack development oo Soomaali ah โ€” haddii aad rabto inaad hesho wadada buuxda, eeg Challenge-ka.

    Bilow Challenge โ†’

    Qoraalada La Xiriira

    Akhri: Sidee loo ku daraa Authentication (JWT) API-gaaga Node.js ah
    4 daqiiqo
    Garaad
    Sidee loo ku daraa Authentication (JWT) API-gaaga Node.js ah

    Sidee loo ku daraa Authentication (JWT) API-gaaga Node.js ah

    A
    abdishakuur ali mohamed
    Akhri: Sidee loo Baahshaa API-gaaga Node.js Bilaash ah โ€” Render, Railway & Waxa Dhab ahaan u Shaqeeya
    3 daqiiqo
    Garaad
    Sidee loo Baahshaa API-gaaga Node.js Bilaash ah โ€” Render, Railway & Waxa Dhab ahaan u Shaqeeya

    Sidee loo Baahshaa API-gaaga Node.js Bilaash ah โ€” Render, Railway & Waxa Dhab ahaan u Shaqeeya

    A
    abdishakuur ali mohamed

    Challenge-ka โ€” boosyo xaddidan

    Ku biir โ†’

    Related Resources

    Continue learning with these resources related to this post.

    Free Programming CoursesStart Learning JourneyAll Blog PostsAbout Garaad

    Garaad

    STEM iyo Full-Stack โ€” ku baro af Somali.

    KoorsooyinkaBlogCareersAragtida ardaydaKu saabsanArrimaha Khaaska ahShuruudaha

    ยฉ 2026 Garaad. Xuquuqda oo dhan waa dhowran tahay.