Inta badan waxyaabaha laga sheego guusha, ganacsiga, iyo dhisidda wax cusub waa kuwo xaqiiqda ka fog. Halkan waxaan ku soo bandhigayaa toban qodob oo aan jeclaan lahaa inaan mar hore fahmi lahaa.
1. Dadka badankiisu waxay isku dhex qaldaan "Dhaqdhaqaaqa" iyo "Horumarka"
Inaad mashquul tahay waxay ku siinaysaa dareen ah inaad wax soo saarayso. Email-lo la diro, shirarka laga qayb galo, cilladaha yaryar oo la saxo, dhammaantood waxay u muuqdaan shaqo. Laakiin badankoodu ma aha horumar.
Horumarku waa marka uu isbeddel ku yimaaddo natiijada dhabta ah. Su'aasha aad isweydiinayso dhammaadka maalin kasta ma aha "Maxaan qabtay?", ee waa "Maxaa isbeddelay shaqadayda darteed?" Haddii jawaabtu tahay "waxba", markaas waxaad ku jirtay dhaqdhaqaaq (motion) ee kuma jirin horumar (progress).
Dhibaatadu waxay tahay in dhaqdhaqaaqu yahay mid raaxo leh. Wuxuu kugu haynayaa mashquul adiga oo aan wajihin cabsida ah inaad ogaato in waxa aad dhisayso ay dhab ahaantii shaqaynayaan iyo in kale.
2. Nooca (Versionka) koowaad ee wax kasta oo guulaystay wuxuu Mar ahaa mid laga xishoodo
Google wuxuu ahaa warqad cilmi-baaris ah oo leh muuqaal qallafsan. Amazon waxay buugaag ku iibin jirtay miis ku dhex yaalla garaash. Airbnb waxay ku bilaabatay saddex furaash oo buufis ah iyo Website u muuqday mid galab qura la dhisay, sababtoo ah saasay ahaydba.
Aaasasayaashii guulaystay ma ahayn kuwo sugayay ilaa ay wax kasta ka dhammaystirmaan. Waxay ahaayeen kuwa aan ka xishoon inay suuqa soo geliyaan wax aan weli dhammaystirnayn. Waxay fahmeen in suuqu ku siinayo jawaab-celin (feedback) aysan qorsheyn waligeed ku siin karin.
Haddii nooca ugu horreeya ee alaabtaada (product) uusan kugu keenin xishood, macnaheedu waa inaad dib u dhacday.
3. Waqtiga munaasibka ah ayaa ka muhiimsan kartida.
Fikirka saxda ah haddii uu yimaaddo shan sano ka hor xilligiisii, wuu fashilmaa. Ma aha in fikirku xun yahay, balse dadka iyo tignoolajiyada loogu talagalay ayaan weli diyaar ahayn.
Ganacsiyada badankood ee fashilmay ma ahayn fikrado xun. Waxay ahaayeen fikrado wanaagsan laakiin yimid waqti khaldan ama suuq khaldan. Kartidu waxay kuu suurtagelisaa inaad wax bilowdo, laakiin waqtiga (timing) ayaa go'aamiya in suuqu diyaar u yahay waxa aad dhisayso iyo in kale.
4. Caqabadda dhabta ah marna ma aha waxa aad u malaynayso
Waxaad u malaynaysaa in dhibaatadu tahay alaabta (product). Se waa distributionka (gaarsinta macamisha) . distributionka ma ahan keliya gaaritaanka dadka (reach). Se waa kalsoonida (trust).
Caqabadda dhabta ah mar walba waxay ku qarsoon tahay lakab ka hooseeya waxa muuqda. Habka ugu fudud ee lagu heli karo caqabadda dhabta ah waa: la hadal dadka aan waxba kaa iibsan. Ha la hadlin kuwa iibsaday, ee la hadal kuwa ku eegay, ka fekeray, ka dibna iska tagay. Iyaga ayaa kuu sheegi doona dhibaatada dhabta ah halka ay ku jirto.
5. Isbiirsiga (Compounding) wuxuu ka shaqeeyaa wax kasta, ma aha lacagta oo kale
Xirfaddaadu way isbiirsataa. Sumcaddu way isbiirsataa. Kalsoonidu way isbiirsataa. Inaad wax isku mid ah maalin kasta samaysid (consistency) waxay dhashaa natiijooyin u muuqda wax aan macquul u ahayn qof aan horay u tijaabin.
Dhibaatadu waa in isbiirsigu uusan muuqan lixda bilood ee ugu horreysa. Shaqada ayaad qabanaysaa waxbana isma beddelayaan. Dadka badankiisu halkan ayay iska daayaan — ma aha in shaqadu shaqayn weyday, ee waa inay arki waayeen natiijada oo soo baxaysa.
6. Talada badankeedu waa mid ku kooban khibradda qofka (Autobiographical)
Marka uu qof kuu sheegayo waxaad samayn lahayd, wuxuu dhab ahaantii kuu sheegayaa wixii isaga u shaqeeyey, duruufihiisii, waqtigiisii, iyo hantidii uu haystay.
Waxay u badan tahay inay adiga gabi ahaanba kugu habboonen. Ka hor intaadan talo qaadan, iswaydii: "Ma tahay xaaladda qofkan mid la mid ah tayda si casharkiisu iigu shaqeeyo?" Inta badan jawaabtu waa maya.
Qaado mabaadi'da, laakiin iska dhaaf xeeladaha (tactics). Mabaadi'du meel kasta way ka shaqeeyaan, laakiin xeeladuhu waxay ku xiran yihiin waqtiga iyo xaaladda.
7. Suuqu ayaa mar walba Saxan
Waad khilaafi kartaa. Waad ka xanaaqi kartaa. Waxaad u malayn kartaa in macaamiishu khaldan yihiin oo aysan fahmin qiimaha waxa aad dhistay.
Laakiin suuqu ma daneeyo dareenkaaga.
Haddii dadku aysan lacag bixinayn, wax baa ka khaldan alaabta, qiimaha, ama waqtiga. Suuqu cillad maleh, ee adiga ayaa fahankaaga suuqa uu khaldan yahay. Hadalka ugu khatarta badan ee uu aasase dhihi karo waa "Suuqa ayaan weli fahmin waxan." Mararka qaarkood waa run, laakiin inta badan waa hab looga cararayo su'aasha adag: Maxaan anigu khalday?
8. Tamarta ( Energy ) ayaa ka muhiimsan waqtiga
Qof kasta wuxuu maareeyaa waqtigiisa. Ku dhawaad qofna ma maareeyo tamartiisa (energy).
Inaad shaqayso 12 saacadood adoo daallan waxay soo saartaa wax ka yar inaad shaqayso 4 saacadood adoo maskaxdaadu soo jeeddo. Go'aannada aad gaarto adigoo daallan waa kuwa xun. Hurdada, jimicsiga, cuntada, iyo xaaladda maskaxda ma aha "waxyaabo dheeri ah." Waa nidaamka (operating system) ay wax kasta ku dul shaqeeyaan.
9. Qofka aad noqonayso ayaa ka muhiimsan waxa aad dhisayso
Ganacsiyada badankood way fashilmaan. Fikradaha badankood waxay u soo baxaan inay ka adag yihiin sidii la filayay.
Waxa aan marna lumin waa qofka aad noqotay intii aad geeddi-socodka ku jirtay. Xirfadaha aad kororsatay, go'aan qaadashadaada, iyo saaxiibada aad heshay. Xitaa haddii ganacsigu fashilmo, dedaalkii aad gelisay ma khasaarin, waayo waxaad dhisatay shakhsiyad cusub oo guulo kale gaari karta.
10. Garashada cad (Clarity) waa faa'iido tartanka
Aasasaha qeexi kara: waxa uu qabanayo, cidda uu u qabanayo, iyo sababta ay muhiim u tahay, wuxuu ku socdaa si ka dhakhsiyo badan kan u baahan cutub dhan si uu wax u sharxo. Marka aad wax walba si cad u garanayso, waxaad joojinaysaa inaad dhisto wax aan cidna ku weydiisan, waxaadna joojinaysaa shirarka aan macnaha lahayn.
Garashadu ma aha hibo lagu dhasho, ee waa wax aad ku dhisato adoo si qoto dheer uga fekeraya waxa aad qabanayso iyo sababta.
Kuwani ma aha sharciyo. Waa qaabab (patterns) aan ku dhex arkay sheekooyin badan oo ku saabsan dhisidda, fashilka, iyo mararka qaarkood guusha.

